Ogeysiiska Sirdhowrka

Waad ku mahadsan tahay in aad doorato in aad qeyb ka noqoto bahdeena Barnaamijka Abaalmarinta ee Waaxda Dagaalka Waxaa naga go'an in aan ulaalino macluumaadkaada shaqsiga ah iyo xaqa aad u leedahay sirdhowrka.

Ogeysiiska Sirdhowrka waxa uu tilmaamayaa sida aan u isticmaali karno macluumaadkaada haddii aad:

Ogeysiiskan Sirdhowrka gudihiisa haddii aan tixraacno:

  • ”Bogga” waxa aan ka hadleynaa bog kasta ee aan leenahay ee tirraaca ama lifaaq kasta ee ku keenaya sirdhowrkan.
  • ”Adeegyada” waxa aan ka hadleynaa boggeyna, iyo adeeg kasta ee kale ee la xiriira, oo ay ku jiraan suuqgeynta iyo munaasibadaha.

Ujeeddada ogeysiiskan sirdhowrka waa in aan si cad oo fudud kuugu sharaxno nooca macluumaadka aan ururino, sida aan u adeegsano, iyo xuquuqda aad u leedahay ee la xiriirta macluumaadkaas. Haddii ay jiraan qodobbo aad ku diidan tahay ogeysiiskan sirdhowrkan, fadlansi degdeg ah u jooji isticmaalka adeegyadeenna.

Fadlan si taxaddar leh u akhri ogeysiiskan sirdhowrka, maadaama uu kaa caawin doono fahamka waxa aan ku sameyno macluumaadka aan ururino.

Macluumaadka sida ootamaatiga ah loo uruuriyo.

Haddii la soo koobo: xogaha qaar sida - ciwaanka IP-gaada, iyo/ama browser-kaada iyo astaamaha agabka aad adeeganeyso- waxaa loo uruurinayaa si ootamaatik ah, marka aad soo gashid boggeena.

waxa aan si ootamaatik ah u uruurineynaa macluumaadka marka aad soo booqatid, adeegsatid ama aad dhex maquurtid boggeena, macluumaadkani ma shaacineyso haybtaada cayiman(sida magacaada ama halka lagaala soo xiriiri karo), laakiin waxa ka mid noqon kara agabkaada iyo xogta adeegsigaada, sida ciwaanka IP-gaada, browser-kaada iyo astaamaha agabkaada, sistamka uu ku shaqeyo, luqadda kuu saaran, URL-lada ku soo tilmaamay, dalka, goobta, iyo macluumaad ku saabsan sida iyo goorta aad u adeegsatid boggeena iyo macluumaadka kale ee farsamo. Xogtaani waxaa aasaas ahaan loogu baahan yahay si loo joogteeyo amniga iyo shaqada boggeena, iyo sidoo kale falanqeynta iyo warbixinada noo gaarka ah ee aan u baahan nahay.

Sida ay ganacsiyo badan sameeyaan oo kale, waxa aan sidoo kale uruurinaa macluumaad anaga oo adeegsaneyna 'cookies' iyo tiknoolajiyadaha kaleba.

Macluumaadka aan ururino

Macluumaadka aan ururino waxaa ka mid ah:

  • Xogta Galitaanka iyo Adeegsiga: Xogta galitaanka iyo adeegsiga waa macluumaad la xiriira adeegga, baadhitaanno, isticmaal iyo waxqabad kuwaas oo adeegyadeennu si otomaatig ah u ururiyaan marka aad gasho ama adeegsato Boggeena, waxaana aan ku kaydinaa faylasha log-ga. Iyada oo ku xiran sida aad noola falgaleyso, xogtan waxay ka koobnaan kartaa ciwaankaaga IP-ga, xogta qalabkaaga, nooca biraawsarka iyo dejintiisa, iyo macluumaad ku saabsan waxa aad ka qabato Bogga (sida taariikhda/waqtiga isticmaalka, bogagga iyo faylasha aad daawatay, raadintaada, iyo tallaabooyinka kale ee aad qaaday tusaale ahaan astaamaha aad adeegsatay). Waxa kale oo ay ka mid noqon kartaa xogta dhacdooyinka qalabka (sida dhaqdhaqaaqa sistamka, warbixinnada khaladaadka mararka qaar loo yaqaan ‘crash dumps’ iyo dejinta qalabka).

  • Xogta Qalabka: Waxaan ururinaa xogta qalabka sida macluumaadka ku saabsan kombiyuutarkaaga, telefoonkaaga, tablet-kaaga, ama qalab kale oo aad ku gasho Boggeena. Iyadoo ku xiran qalabka aad isticmaasho, xogtan qalabka waxay ka koobnaan kartaa macluumaad ay ka mid yihiin: ciwaankaaga IP-ga (ama server-ka wakiilka ah), aqoonsiyada qalabka iyo barnaamijyada, goobta, nooca biraawsarka, nooca qalabka (hardware model), bixiyaha adeegga internet-ka, shirkadda isgaarsiinta ee mobilka, sistamka uu ku shaqeeyo qalabka, iyo xogta ku saabsan qaabeynta nidaamka.

  • Xogta Goobta: Waxaan ururinaa xog ku saabsan goobtaada, sida macluumaadka ku saabsan goobta qalabka aad isticmaaleyso, taasoo noqon karta mid sax ah ama aan sax ahayn. Qaddarka xogta aan ururino wuxuu ku xiran yahay nooca qalabka aad ku gasho Boggeena iyo dejintiisa. Tusaale ahaan, waxaan ururin karnaa xogta juqraafiyeed (geolocation) oo noo sheegta meesha aad hadda joogto (iyadoo la adeegsanayo ciwaankaaga IP-ga). Waxaad dooran kartaa in aad ka hortagto ururinta xogtan adiga oo diidaya in aan helno xogtaas ama damiyaaya dejinta ‘Goob-Helid’ (Location) ee qalabkaaga. Laakiin ogow, haddii aad doorato in aad ka baxdo (opt out), waxaa dhici karta in aadan awoodin in aad isticmaasho qaar ka mid ah adeegyadeenna.

Sidee baan u isticmaaleyna xogtaada?

waxa aan macluumaadka shaqasiyadeed ee aan ka uruurino boggeyna u adeegsanaa ujeedooyinka kala duwan ee hoos ku tilmaaman.

Waxaa suurta gal ah inaan xogtaada u adeegsano ujeedooyinka soo socda:

  • Si aan u ilaalino Adeeggeyna. Waxaa suurtagal ah in aan macluumaadkaada u adeegsano dadaalladeena aan ku xafideyno Boggeyna (tusaale, si loola socdo loogana hortago waxyaabaha been abuurka.
  • Si aan u dhaqangelino shuruucda, shuruudaha iyo siyaasadaheena si aan ugu hoggaansanno shuruudaha xeerarka iyo sharciyada.
  • Si aan u dhameystirno una taageerno howlaha taagan.
  • Si aan u maamulno una joogteyno Boggeyna iyo sistamka.
  • Si aan u sameyno cilmi baaris iyo horumarin.
  • Si aan u sameyno shaqooyinka dhaqangelinta sharciga ee na loo ogolaaday.

Ma adeegsanaa 'Cookies' iyo Tiknoolajiyadaha kale ee dabagalidda?

Haddii la soo koobo: waxa ay ujeeddadeenu tahay in aan ilaalino macluumaadakaada shaqsiga ah anaga oo adeegsaneyna sistam habeysan iyo tallaabooyin amni oo farsameysan.

Waxa aan hirgelinay tallaabooyin amni oo habeysan lehna farsamooyinka ku habboon loona diyaariyey in ay ilaaliyaan amnigia xogta shaqsiga ah ee aan qabano. Hase ahaatee, inkasta oo ay jiraan dadaalladeena iyo ilaalinteyna aan ku xafideyno xogtaada shaqsiga ah, ma jiro agab si elegraroonik ah wax loogu kala gudbiyo intarneet ama teknoolajiyad keydin macluumaad oo la damaanad qaadi karo in ay 100% xafidan tahay, sidaas darteed ma balan qaadi karno mana damaanad qaadi karno in tuugada intarneetka, dambiilayaasha qadka, iyo dhinacyo kale oo seddexaad oo aan ogolaansho heysan aysan awoodi doonin in ay jabin karaan amnigeenna, si qaldan u ururin karaan, u heli karaan, u xadaan, ama u beddeli karaan macluumaadkaaga. nkastoo aan dadaalkeena ugu fiican sameyn doono si aan u ilaalino macluumaadkaaga shakhsiga ah, gudbinta macluumaadkaaga shakhsiga ah ee u dhexeysa adiga iyo Boggeena adiga ayaa masuuliyaddeeda leh. Waa in aad kaliya ku gasho Bogga xaalad ammaan ah.

Maamulidda Astaamaha 'Ha-i-dabagalin'

Inta ugu badan browser-rada, sistamyada ay ku shaqeeyaan taleefanada qaar iyo barnaamijyada taleefana lagu shubto waxa ay leeyihiin astaanta 'Ha-i-dabagalin (DNT) ama nidaam aad daaran karno si aad ugu sheegto in aanan doorashadaada qaaska ah ee ah in aan howlahaada dhexmushaaxa qadka aan lala socanin ama aan la uruurin. Ilaa hadda, ma jiro habraac tiknoolajiyadeed oo hal nuuc ah oo lagu garan karo ama lagu hirgelin karo tilmaamooyinka Ha-i-dabagalin' ama DNT oo la isku raacsan yahay. Sidaas darteed, hadda kama jawaabno tilmaamayaasha browser-rada ee DNT ama waxkastaa ee kale ee si ootamaatik ah noogu sheegaya rabitaankaada in aan si onlayn ah laguu dabagelin. Haddii habraac la socoshada intarneetka la isla qaato oo ay tahay in aan raacno mustaqbalka, waan kugu soo gelin doonaa waxaana ku soo dari doonaa qeybaha la cusbooneysiiyo ee ogeysiiskeena sirdhowrka.

Ogeysiis Ku Socda Shaqsiyaadka Boggaan ka soo gala meel ka baxsan Mareykanka.

Adeeghadeena anaga ayaa ka soo maamulna gudaha Mareykanka, waxaana loo diyaariyey dadka deggan Mareykanka, mana loogu talagelin in ay nagu qasbaan sharciyada ama awoodaha qaanuun ee gobol, ama gayi aan ahayn kuwa Mareykanka. macluumaad kasta ee aad nagula wadaagto Adeegga waxaa loo keydin karaa loolana macaamili karaa.

Barnaamijka Abaalmarinada ee Waaxda Dagaalka ama adeegbixiyeyaashiisa ayaa macluumaadkaada shakhsiga ah waxa ay ka soo wareejin karaan Aagga Dhaqaalaha ee Yurub (EEA) waxa ayna u wareejin karaan waddamo kale, kuwaas oo uu qaarkood weli Midowga Yurub u aqoosan in ay bixin karaan habraaca dhowrista xogta shaqsiga ah inta loo baahan yahay. Marka loo xawilayo dalal aan u baahneen heerkan dhowrista xogta ee waafaqaya habraaca EEA, Barnaamijka Abaalmarinta ee Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa uu qdeegsanayaa habab kala duwan oo sharci si uu u ilaaliyo macluumaadkaada shakhsiyadeed, oo ay ka mid yihiin heshiisyo iyo ballanqaad qoraal ah oo la galaayo adeeg bixiyeyaasha.

Waxa aan macluumaadkaada shakhsi u maareyn doonaa si waafaqsan siyaasaddan sirdhowrista iyada oo aan loo eegeynin in macluumaadkaada shakhsi la keydiyey ama la galay.

Lifaaqyada Bogag Dheeraad

Lifaaqyada Bogagga ka baxsan Dowladda Federaalka ah ee Mareykanka ama isticmaalka ganacsiyada, shirkadaha, ama magacyada shirkadaha ee ku jira bogga Barnaamijka Abaalmarinada ee Waaxda Dagaalka waxa ay ugu jiraan dadka isticmaalaya dartood. isticmaalkaasi kama dhigna bogaadin gaar ah ama ansaxin ka timid Barnaamijka Abaalmarinada ee Waaxda Dagaalka oo loogu talagalay bogagga intarneetka ee ganacsi gaar ah, alaabtooda ama adeegyadooda.

Sharciga Xadgudubka iyo Been-abuurka Kombiyuutarrada

Isku day aan la fasaxin ee saaridda macluumaad iyo/ama beddelidda ee boggan waa mid si adag loo mamnuucay oo dhalin karta dacwad oogis waafaqsan Sharciga Xadgudubka iyo Been-abuurka Kombiyuutarrada ee 1986, 18 U.S.C. & 1030 iyo qeybta 1001 ee ciwaanka 18.

Siyaasadda Sirdhowrka ee Waaxda Dagaalka

Waxa aad siyaasadda sirdhowrka bogga Waaxda Dagaalka Mareykanka ka eegi karta:

https://www.defense.gov/Legal-Administrative/Privacy-Security/

Sida aad noola soo xiriiri karto

waxa aan soo dhoweyneynaa wixii talo ah ee aad haddii aad qabto su'aal la xiriirta siyaasaddeena sirdhowrka ama isticmaalka macluumaadkaada. Haddii aad jeclaan laheyd in aad hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka sirdhowrka ee Waaxda Dagaalka Mareykanka, fadlan booqo qeybta Privacy ee bogga (defense.gov).