Raadinta Ciidanka Badda ee sida Gaarka u tababaran ee Mareykanka (US Navy SEALS) ee maqan
Barnaamijka Abaaknarinta Wasaaradda Gaashaandhiga waxa ay abaalmarin maaliyadeed ku bixinayaa macluumaadka keeni kara dib-u-helidda laba ka mid ah Ciidanka Badda ee Sida Gaarka ah u tababaran oo lagu waayey Gacanka Cadmeed 11-ki Janaayo 2024.
Fiidkii 11-ka Janaayo, Chambers oo 37 jir ah iyo Ingram oo 27 jir ah, oo labadaba loo ka tirsanaa unugga gaarka ah ee West Coast-based Naval Special Warfar, ayaa la soo sheegay in lagu waayey badda kolka ay xilli habeen ah ku guda jireen qabashada dooni si sharci darro ah u daabuleyay hubka casriga ah ee wax lagu dilo oo laga soo raray Iiran dibna loogu daabulaayey Ciidanka Xuutiyiinta Yaman.
Ka dib baadi-goob iyo badbaadin 10 maalin ah oo isugu jira xir iyo bad ay wada sameeyeen Mareykanka, Jabbaan, iyo Spain ayaa ugu dambeyn la isla gartay in ay dhinteen.
Ma haysaa wax macluumaad ah oo la xiriira Ciidanka Badda ee sida Gaarka u tababaran ee Mareykanka (US Navy SEALS) ee maqan? Macluumaadka waxaa lagu si qarsoodi ah loogu soo gudbin karaa foomka xogta ama lambar taleefan oo maxalli ah.