Amniga macluumaadka
Amniga iyo sirdhowrka waa qaybo muhiim ah oo ka mid ah Barnaamijka Abaalmarinada ee Taliska USCENTOM ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga. Dhammaan macluumaadka loo soo gudbiyo mashruuca waxaa loo xafidaa loona maareyaa si ammaan ah. Haybta dadka xogta soo dirayana waa mid si adag loo sirdhowro.
Sida Xafidan ee aan macluumaadkaada u ilaalinayno
- Xogta Shakhsiyaddaada waxa aan ula dhaqmeynaa si dhab ah waxa aana diyaarinay nidaam habeysan oo farsamo si loo xafido.
- Maadaama sistamna uusan 100% si buuxda u damaanad qaadi karin xafidnaanta, waxa aan si joogta ah uga shaqeynaa in aan xoojino nidaamyadeena ilaalinta.
- Haddii uu lalaca qof isku dayo in uu baalmaro nidaamkeena amniga, fadlan ogow in ay naga go'an tahay in aan si dhaqse ah oo wax-ku-ool.Hase ahaatee, si la mid ah howlaha kale ee onlaynka, in xog lagu wadaago intarneetka ayaa khatarteeda leh.
- Si aad gacan nooga siiso in aan xogtaada si wanaagsan u xafidno xogtaada, waxa aan ku talinaynaa in aad boggeena ka soo booqatid shabakad nafiif ah.
macluumaadka aan sida joogtada u uruurino
Marka aad soo gasho bogga, waxa aan ootamatik ah u uruurineynaa xogaha qaar sida ciwaanka IP-gaada,nuuca Browser-kaada, xogta taleefankaada ama agabka kale aad ageegsaneyso, sistamka uu ku shaqeeyo, goobta aad joogto, naqshadda ageegsigaada bogga. Waxaa kale oo aan uruurineynaa warbixinada qaladaadka haddii uu sistamkeenu cilad la kulmo. xogahaani waxaa lagu uruuriyaa iyada oo la adeegsanaayo 'cookies' iyo tiknoolajiyado la mid ah.
Sida aan u Adeegsaneyno macluumaadka
- Si aan u ilaalino Adeeggeyna. Waxaa suurtagal ah in aan macluumaadkaada u adeegsano dadaalladeena aan ku xafideyno Boggeyna (tusaale, si loola socdo loogana hortago waxyaabaha been abuurka.
- Si aan u dhaqangelino shuruucda, shuruudaha iyo siyaasadaheena si aan ugu hoggaansanno shuruudaha xeerarka iyo sharciyada.
- Si aan u dhameystirno una taageerno howlaha taagan.
- Si aan u maamulno una joogteyno Boggeyna iyo sistamka.
- Si aan u sameyno cilmi baaris iyo horumarin.
- Si aan u sameyno shaqooyinka dhaqangelinta sharciga ee na loo ogolaaday.
Ma u baahan tahay macluumaad badan?
Si aan u hesho sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan siyaabaha aan ula dhaqanno xogta, waxa aan kugu dhiirri gelineynaa in aad halkan ka eegto siyaasadda sirdhowra ee Waaxda Dagaalka Mareykanka oo dhameystiran.