BARNAAMIJKA ABAALMARINNADA AFRICOM EE WAAXDA DAGAALKA
Si qarsoodi ah u gudbi macluumaadka. Ku hel abaalmarin oo bulshadaada badbaadi.
Barnaamijka Abaalmarinnada AFRICOM Ee Waaxda Dagaalka (DoWRP) waa barnaamij guuleystay oo ammaan ah kaas oo abaalmariya shaqsiyaadka keena macluumaad waxtar leh oo la xaqiijin karo oo ilaalinaysa nabad-gelyada iyo xasillooniada Afrika, Mareykanka iyo ciidamada bahwadaagta la ah ee ku sugan Afrika.
Barnaamijka Abaalmarinnada AFRICOM AFRICOM ee DoWRP
Haddii aad hayso macluumaad laga yaabo in ay waxtar u leedahay Meletariga Mareykanka, soo gudbi xogtaas waxaana laga yaabaa in aad ku heli karto abaalmarin. Macluumaadka oo dhan, oo ay ku jirto faahfaahinta shaqsiga ah, waxaa ay noqon doontaa mid la sirdhowro waana mid la hubinayo lana xaqiijinayo ka hor inta aan lagu bixin abaalmarin.
Soo gudbi xog
Hannaanka Xogta
Barnaamijka Abaalmarinada DoWRP ee USAFRICOM waxa uu abaalmarin maaliyadeed ama wax u dhigmo siiyaa shaqsiyaadka keena macluumaad waxtar leh oo ku saabsan argagixisonimo iyo weerarro qorsheysan oo ka dhan ah Mareykanka iyo ciidamada bahwadaagta ah ee ku sugan Afrika. Heybta qofka macluumaadka soo diraya waa si adag heer sare ah ayaa loo xafidi doonaa.
Mar kasta oo ay macluumadu tahay mid muhiim ah oo gaar ah, waxaa kordhaya qiimaha abaalmarinta. Qiimeynta xaddiga abaalmarinta waxa ay lagu jaangoynayaa qodobbo dhowr ah oo ay tixgelin doonaan saraakiisha USAFRICOM inta ay socoto muddada ansixinta abaalmarinta.
- 1 Shaqsiyaadku waxa ay xogta u soo gudbin karaan si qarsoodi leh iyaga oo adeegsanayo foomka xogta ama lambar taleefan oo maxalli ah.
- 2 Marka xogta ay u soo dhacdo, waxaa xogta loo tarjumayaa oo lala wadaagayaa USAFRICOM si ay u hubiyaan. Maadaama ay badan tahay macluumaadka ay USAFRICOM heleyso, waxa ay qaadan kartaa wakhti badan in la faaqido xogta aad soo dirto. Fadlan ogsoonow in xogtaada la eegi doono wakhtiga ugu dhow ee suurtgalka ah.
- 3 Haddii macluumaadka la hubiyo oo ay tahay mid waxtar leh, USAFRICOM waxa ay la soo xiriiri doonta qofki xogta soo diray, oo laga yaabo in uu ku guuleysto abaal marin gaari karta $5,000,000 (shan malyan oo doolar).
Si xafidan xog ugu dir USAFRICOM
Si aad macluumaad u soo dirto, adeegso foomka xogta ee website-ka saaran. Bixi faahfahinta ugu badan ee aad heli karto oo ay ku jirto wixii xiriirin ama ciwaanno ah ee la xiriira xogta, iyo lambar taleefan ama iimeyl ee aan kaala soo xiriiri karno.
Macluumadka oo dhan, oo ay ku jirto xogta shaqsiga ah, waxaa ay ahaan doontaa mid la sirdhowro.
Sidoo kale, waxaad gujin kartaa badhanka hoose si aad u hubiso haddii USAFRICOM uu leeyahay lambarka maxalliga ah ee dalkaaga. Haddii uu jiro, waxaad wici kartaa lambarka si aad u gudbiso xog.
macluumaadka nuucee ah ayuu Barnaamijku Abaarmariyaa?
Barnaamijka Abaalmarinada DoWRP ee USAFRICOM waxa uu abaalmarin maaliyadeed siinayaa shaqsiyaadka keena macluumaad waxtar leh oo ku saabsan argagixisonimo iyo weerarro qorsheysan oo liddi ku ah Mareykanka iyo ciidamada bahwadaagta la ah ee ku sugan Afrika. Heybta qofka macluumaadka soo diraya waa si adag heer sare ah ayaa loo xafidi doonaa. Ma haysaa wax macluumaad ah oo ku soo mowduucyadaan? Fadlan soo gudbi xogta aad heyso xitaa aad u aragto in macluumaadkaasi aanay muhiim aheyn. Waxaa jira baaritaanno farabadan oo socda xilli kasta marka waxaa suurtagal ah in xogta aad heyso ay gacan ka geysato waana lagugu abaalmarin karaa.
Dalabaadka deg degga ah ee macluumaadka
Taliska USAFRICOM DoWRP waxa uu haatan raadinayaa macluumaad ku saabsan dhacdooyinka soo socda. Waxa aan weli soo dhaweyneynaa macluumaadka la xiriirta argagixisada iyo weerarrada la qorsheeyey ee liddiga ku ah Mareykanka iyo ciidamada xulafada la ah, marka laga soo tago dhacdooyinka haatan taagan.
Barnaamijka Abaaknarinta Wasaaradda Gaashaandhiga waxa ay abaalmarin maaliyadeed ku bixinayaa macluumaadka keeni kara dib-u-helidda laba ka mid ah Ciidanka Badda ee Sida Gaarka ah u tababaran oo lagu waayey Gacanka Cadmeed 11-ki Janaayo 2024.
DhawoowSu'aalaha Badanaa la isweydiiyo
Raadi jawaabaha su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan USAFRICOM DoWRP.
Awoodo nuucee ah ayey Waaxda Dagaalka u leedahay in ay fuliso DoWRP?
Awoodda ay ku fulineyso DoWRP waa sharciga Mareykanka, Cadadka 2012, Lifaaqa 4, Ciwaanka 10- CIIDANKA QALABKA SIDA, ciwaan-hoosaadka -A Sharciga Guud ee Meletariga, Qeybta 1- NIDAAMINTA IYO AWOODAHA GUUD AHAANEED EE MELETARIGA, CUTUBKA 3- AWOODAHA GUUD AHAANEED IYO SHAQOOYINKA, faqr. 127b- B arnaamijka Abaalmarinta ee Waaxda Dagaalka.
Sidee ayaa cadadka lacagta abaal marinta ah loo jaangoynayaa?
USAFRICOM DoWRP waxa uu bixiyaa abaalmarin lacageed ama wax u dhigma, cadaddu waa ay kala duwanaan kartaa iyada oo ku xiran tayada macluumaadka, qimaha ay u leedahay Mareykanka iyo howlgallada bahwadaagtiisa, iyo heerka khatarta ee looga hortagayayo ama lagu soo afjarayo. Markasta oo ay tahay maclumaad soocan oo muhiiim ah, waxaa badanaya qiimaha lacageed ee abaalmarinta.
Sidee ayaa lacagta abaal marinta ah loo bixinayaa?
Marka xogta la baaro oo la caddeeyo in ay waxtar leedahay si la xaqiijin karana ay run u tahay, sarkaal ka tirsan Taliska USAFRICOM DoWRP ayaa kuula soo xiriiri doona si taxadar leh kuguna abaalmarin doona sida aad mudan tahay abaalmarinta lacageed ama wax u dhigma. Abaal marinta badanaa waxaa lagu bixiyaa lacag caddaan ah.
Macluumaad nuucee ah ayuu Barnaamijku raadinayaa? Macluumadee ayaa la abaal marin doonaa?
USAFRICOM DoWRP waxa ay abaalmarin ku bixisaa acluumada iyo kaalmada aan dilka aheyn ee u awood siinaya Mareykanka iyo xulafadiisa in ay la dagaalammaan argagixisada oo ay sidoo kalena ka ilaaliyaan Mareykanka iyo ciidamada xulafada la ah weerarrada qorsheysan. Tusaale waxaa ah in Dowladda Mareykanka looga digo khatar ku soo fool leh oo Mareykanka iyo bahwadaagtiisa ama in la soo sheego shaqsiyaadki masuulka ka ahaa weerarro hore ama kua loo maleegay Mareykanka iyo ciidanka xulafadiisa ah.
Waa maxay USAFRICOM DoWRP maxaase ay qabataa?
USAFRICOM DoWRP waxaa loo aasaasay si ay ugu abaalmariyo shaqsiyaadka qalma ee bixiya Macluumaadka iyo kaalmada aan dilka aheyn ee u awoodsiineysa Mareykanka iyo Ciidamada xulafada la ah in ay la dagaalamaan argagixisonimada oo ay ilaaliyaan ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa.
Sidee ayaan ku ogaanaa in macluumadu tahay mid xafidan?
Xafidnaanta iyo sirdhowrka waa qeybo aad muhiim ugu ah Barnaamijka USAFRICOM DoWRP. Dhammaan macluumaadka loo gudbiyo barnaamijka waa la qariyaa waxaana loo faaqidaa si ammaan ah. Aqoonsiyada dadka warbixinta bixinaya waa loo ilaaliyaa si aad u xafidan.
Waa ayo USAFRICOM
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (USAFRICOM) waa talis mideysan oo hoos yimaada Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, mas’uulna ka ah korjoogteynta hawlgallada melerari ee Mareykanka ee Afrika. USAFRICOM waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.